Arjen Robben Oo Markii Labaad Ka Fadhiisanaya Kubadda-cagta

Cayaaryahankii hore ee kooxaha Chelsea iyo Bayern Munich Arjen Robben ayaa si cagajiid ah uga fariistay cayaarista kubadda-cagta markii labaad.

37 jirkaan ayaa markii hore ku dhawaaqay inuu ka fariisanayo xirfadiisa ciyaareed sannadkii 2019 kahor inta uusan si lama filaan ah ugusoo laabanin garoomada xagaagii hore si uu ugu ciyaaro kooxda yaraantiisii ee F.C Groningen.

Dhaawac soo gaaray darteed ayaa la arkay Robben oo kaliya kasoo muuqanaya 7 jeer horyaalka dalkiisa hooyo ee Holland ee Eredivisie xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu haatan xaqiijiyay inuu qorsheynayo inuu ciyaaraha ka fariisto

“Saaxiibbada qaaliga ah ee kubadda-cagta, waxaan go’aansaday inaan joojiyo xirfadeyda kubadda-cagta,”weeraryahankii hore ee Holland ayaa soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

“Doorasho aad u adag. Waxaan rabaa inaan uga mahadceliyo qof walba taageerada qalbi-galka ah! ” ayuu raaciyay

Robben ayaa waayihiisa cayaareed kusoo guuleeystay koobab fara badan waxaana uu usoo cayaaray kooxaha Chelsea, Real Madrid, PSV, Bayern Munich iyo Groningen.

Ciyaaryahankan ayaa ka mid ahaa xulkii Holland ee ku dhammeysatay kaalinta labaad ee Koobkii Adduunka ee 2010 oo kaalinta seddexaad ka galay tartankii Brazil afar sano kaddib.

Waxaana halkan hoose idinkula wadaageeynaa muuqaal ku aaddan xirfadda cayaareed ee xiddigan lugta biddix ku xamaasha ee wacdaraha kasoo dhigay masraxyada kubadda-cagta.

DAAWO

Abdihakim Olad

Read Previous

TOOS: Jeenyo vs Gaadiidka

Read Next

XAN: Liverpool Oo Isaga Hartay Niguez Iyo Barca Oo Qorsho Weyn Ka Damacsan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?