City Oo Dooneeysa Griezmann, Arsenal Oo Ku Dhow Saxiixa 2 Xiddig, Man United Oo Heshiis La Gaartay Daafac Heer Sarre Ah & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta

Asc aqriste soo dhowoow, suuqa kala-iibsiga cayaartooyda ee xagaaga wuxuu furmay 9kii bishii Juun ee aynu soo dhaafnay waxaana uu suuqa xirmi doonnaa 31ka bisha Ogoosto ee sannadkan 2021.

Haddaba waxaan warbixintan idinkula wadaageeynaa wararkii ugu dambeeyay ee warbaahinta maanta hadalheyso ee suuqa kala iibsiga ah.

Manchester United ayaa ku dhow inay heshiis shaqsi ah la gaarto daafaca reer France ee Real Madrid Raphael Varane, oo 28 jir ah, kaasoo muddo dheer diirada u saarnaa.(Mail)

Hector Bellerin ayaa u sheegay Arsenal inuu doonayo inuu baxo suuqa kala iibsiga xagaagan. 26 jirkaan daafaca reer Spain, oo mudada ugu dheer ee uu katirsanaa kooxda koowaad ee Arsenal ayaa rajeynaya inuu udhaqaaqo Inter Milan. (Metro)

Manchester City ayaa meesha ka saartay u dhaqaaqista weeraryahanka kooxda Barcelona ee reer France Antoine Griezmann oo 30 jir ah laakiin waxa ay kor u qaadi doontaa xiisaha ay u qabto weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund iyo reer Norway ee Erling Braut Haaland oo 20 jir ah iyo kabtanka kooxda Tottenham ee reer England Harry Kane oo 27 jir ah (Sun)

Chelsea ayaa qarka u saaran inay ‘dalab weyn’ ka gudbiso Haaland. (STAR)

Griezmann ayaa laga yaabaa inuu dib ugu laabto kooxdiisii ​​hore ee Atletico Madrid, Heshiis ay isku dhaafayaan khadka dhexe ee Spain Saul Niguez, 26. (Express)

Bayern Munich ayaa raadineysa inay la soo wareegto beddelka 32 jirka weerarka ka ciyaara ee reer Poland Robert Lewandowski, kaasoo laga yaabo inuu u dhaqaaqo Real Madrid xagaaga soo aadan marka uu hal sano uga harsan yahay qandaraaskiisa kooxda Jarmalka. (AS – Isbaanish)

Robert Lewandowski⚫Welcome to Real Madrid⚫2018 - YouTube

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Isco – tan iyo markii la tirtiray – wuxuu si maldahan u sheegayaa in uu bixi doono marka 12-ka bilood ee ugu dambeysa qandaraaskiisu dhammaado, iyadoo xiiso ay ka diiwaan gashan yihiin kooxaha Arsenal, Tottenham Hotspur iyo Napoli. (Mirror)

Manchester City iyo Wolves ayaa labaduba baadi goob ugu jira 23 jirka daafaca Fulham Antonee Robinson. (Mirror)

Juventus ayaa diirada saareysa weeraryahanka reer Brazil ee kooxda Manchester City Gabriel Jesus, oo 24 jir ah. (Tuttosport)

Arsenal ayaa ku dhow inay heshiis la gaarto 23 jirka Lyon ee kubbad-sameeyaha reer France Houssem Aouar iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Belgium Albert Sambi Lokonga, oo 21 jir ah, una safta kooxda Anderlecht. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Leicester City iyo Ingiriiska James Maddison, oo 24 sanno jir ah, ayay sidoo kale isha ku hayaan. (SUN)

Arsenal transfer news: Aouar and Lokonga deals close

Tababaraha cusub ee Crystal Palace Patrick Vieira ayaa saf ugu jira goolhayaha reer England Remi Matthews, oo 27 jir ah, kaasoo ay dhawaan fasaxday kooxda League One-ka ka dhisan ee Sunderland. (Mirror)

Kooxda heerka labaad ee Bournemouth ayaa isha ku heysa inay lasoo saxiixato 22 jirka khadka dhexe ee reer England Flynn Downes oo u safta kooxda Ipswich Town. (East Anglian Times)

West Brom ayaa isku dayaysa inay lasoo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee Ingiriiska Trevoh Chalobah, oo 22 jir ah una safta kooxda Chelsea laakiin tartan ayay kala kulmaysaa koox Premier League ah, oo la rumeysan yahay inay tahay Brentford, iyo kooxda Faransiiska ee Lorient, iyo kooxo kale. (Express & Star)


Abdihakim Olad

Read Previous

“Qofka Aan Ahay Marnaba Raaligelin Kama Bixinaayo – Rashford Oo Ka Jawaabay Cunsuriyadda Loo Geysanayo

Read Next

Carlos Tevez Oo Lala Xiriirinayo Inuu U Wareegayo MLS-ka Mareykanka Kaddib Markii Uu Qishay Inuu Xilli-dambe Cayaaraha Ka Fadhiisanyo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?