“Waxaan Doonayay Inaan Mid Qaato” – Grealish Oo Carradiisa Muujiyay Kaddib Guuldarradii Ingiriiska Kasoo Gaartay Talyaaniga

Kubbadsameeyaha Aston Villa ayaa lagu eedeeyay inuu iska indho tiray mas’uuliyadiisa maadaama uu yahay ciyaaryahan weyn, laakiin waxa uu sheegay in go’aanka uu ahaa mid isaga ka baxsan.

Jack Grealish ayaa si kulul uga hadlay kuwa ku eedeynaya inuusan rigoore laadin markii Ingiriiska uu u baahday khibrad iyo madax qaboojin kulankii ugu dambeeyay Euro 2020 ee guuldarradu kasoo gaaray Talyaaniga.

Saddexda Libaax,wuxu u ahaa kulankoodii ugu horreeyay ee caalami ah oo ay fiinaalka soo tiigsadaan tan iyo 1966, waxay arkeen kulan ay Azzurri kula yeesheen garoonka Wembley Stadium oo loo baahday gool-ku-laadyo kaddib markii 120 daqiiqo oo ficil ah oo ay soo bandhigeen ay barbarro 1-1 ah isku dhaafi waayeen.

Marcus Rashford, Jadon Sancho iyo Bukayo Saka ayaa dhammaantood waxay lumiyeen 3 kamid ah 5tii gool-ku-laad ee Ingiriiska, iyadoo su’aalo la weydiinayo sababta cadaadiska loo saaray garbaha kuwa xilli-dambe oo soo galay cayaarta iyo xiddigo da’yar ah.

Faraha ayaa lagu tilmaamay jihada cayaaryahanka Aston Villa Jack Grealish, isagoo ah xiddig leh hibo weerar lehna awood ku filan oo uu gool ugu rogi karo marka uu ka laado meel shabaqa 12 yaardi u jirta, laakiin wuxuu sheegay inuu muujiyay rabitaankiisa ah inuu laado rigoore markii tababare Gareth Southgate uu raadinayay liistada shanta qof.

Kabtanka Aston Villa ayaa soo dhigay baraha bulshada: “Waxaan idhi waxaan doonayaa inaan mid qaato!!!!”

“Tababaraha wuxuu sameeyay go’aano sax ah oo fara badan tartankan wuuna sameeyay caawa!”

“Laakiin ma yeeli doono dadku inay dhahaan ma aanan dooneynin inaan qaato rigoore ‘markii aan ku iri waan qaadan doonaa.”

Abdihakim Olad

Read Previous

Talyaaniga Oo Ku Guuleeystay Koobkoodii Ugu Horreeyay Muddo 53 Sanno Ah Iyo Nasiibdarradii Qabsatay Ingiriiska | Warbixin+Sawirro

Read Next

‘Halkee U Socotaa…Kaalay’ – Chiellini iyo Saka Maxaa Xalay Dhexmaray Kulankii Fiinaalka Euro-ga? – (Muuqaal)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?