Kooxda Liverpool Oo Si Rasmi Ah U Billoowday Isku-diyaarinta Xilli-cayaareedka 2021-2022

kooxda kubbada-cagta Liverpool ayaa maanta si rasmi ah u billoowday isku-diyaarinta xilli-cayaareedka soo aaddan ee 2021-2022.

Liverpool ayaa billoowday tababarkooda isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub waxaana ay shaaca ka qaadeen qaar kamid ah kulamadooda saaxiibtinimo ee qeybta ka ah isku diyaarinta ololaha xiga.

Kulamada ayaa lagu ciyaari doonaa garoomo ay taageerayaashu joogaan halka qaar kale lagu ciyaari doono taageerayaal la’aan.

Liverpool ayaa ciyaari doonta 3 kulan iyaga oo maalin gudohood ciyaari doona laba kulan si ay isugu diyaariyaan xilli ciyaareedka cusub ee bilaaban doona bisha Ogoosto ee nagu soo food leh.

Kulamadooda waxay noqonayaan siddan:

Talaado July 20: Kulan 30 daqiiqo ah ayay la cayaari doonaan kooxda Wacker Innsbruck kahor inta ayna 30 daqiiqo oo kale la ciyaarin kooxda VfB Stuttgart.

Jimco July 23: Liverpool Vs FSV MainzKhamiis

Khamiis July 29: Liverpool Vs Hertha BSC

Abdihakim Olad

Read Previous

Arsenal Oo Wadahadallo Kula Jirta Wolves Oo Ay Ka Doonayaan Ruben Neves

Read Next

“Qofka Aan Ahay Marnaba Raaligelin Kama Bixinaayo – Rashford Oo Ka Jawaabay Cunsuriyadda Loo Geysanayo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?