Arsenal Oo Wadahadallo Kula Jirta Wolves Oo Ay Ka Doonayaan Ruben Neves

Kooxda kubbada-cagta ee Arsenal ayaa wadahadallo la billoowday kooxda Wolves waxaana ay dooneeysaa inay kala hadasho siddii xiddigeeda khadka-dhexe ee Burtuqiiska ay ugala saxiixan lahayd.

Gunners ayaa si rasmi ah u xaqiijisay xiisaha ciyaaryahanka Burtuqiiska ah horraantii bishii hore balse haatan Arsenal ayaa wadahadalo suuqa kala iibsiga ah la furtay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Wolves ee Ruben Neves – sida laga soo xigtay Record.

Gunners ayaa xaqiijin karta adeega 24 jirkaan haddii ay la kulanto qiimaha Wolverhampton Wonderers ee ah 35 milyan oo yuuro oo ay ku dooneyso xiddigeeda.

Neves, oo qandaraaskiisu Wolves ku egyahay ilaa sannada 2024, ayaa kooxdiisa u dhaliyay shan gool 36 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkii hore waxaan haatan ay tahay in la go’aamiyo halka xiga ee uu goolal ku dhalin doono xilli-cayaareedka dambe , Ma Arsenal ayuu usoo dhaqaaqayaa mise Wolves ayuu joogayaa ama xitaa ma koox kale? weynu arkeynaa.

Abdihakim Olad

Read Previous

‘Halkee U Socotaa…Kaalay’ – Chiellini iyo Saka Maxaa Xalay Dhexmaray Kulankii Fiinaalka Euro-ga? – (Muuqaal)

Read Next

Kooxda Liverpool Oo Si Rasmi Ah U Billoowday Isku-diyaarinta Xilli-cayaareedka 2021-2022

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?