Man United Oo Qarka U Saaran Saxiixa Varane

Manchester United ayaa qarka u saaran inay lasoo saxiixato Raphael Varane oo ka tirsan Real Madrid, sida ay sheegayaan warar kala duwan.

Jadon Sancho ayaa ahaa bartilmaameedka koowaad ee United xagaagan, waxayna ku guuleysteen hadafkooda horraantii bishaan markii ugu danbeyntii, ay si naxariis leh heshiis ula gaareen Borussia Dortmund. Mudnaanta lambarka labaad ayaa ah helitaanka lammaane ka garab cayaara Harry Maguire, iyada oo Raphael Varane uu haatan noqday mudnaanta.

Daafaca Faransiisja ayaa qandaraaskiisa Real uu dhacayaa sannad gudihiis, isagoo 28 jir ah, United waxa ay u aragtaa inuu yahay dooqa ugu fiican ee khibrad ku soo kordhin kara safka daafaca halka uu sidoo kale la qabsan doono booskiisa joogtada ah ee mustaqbalka fog.

Musharaxiinta kale ee la calaamadeeynayay Varane kahor waxay ahaayeen Pau Torres oo Sevilla iyo Jules Kounde oo Sevilla u safta, laakiin waxay u muuqataa in heshiiska Varane uu sifiican oo run ah usocdo.

Waxaa la soo wariyay isbuucii la soo dhaafay in wadahadalada u dhexeeya United iyo Real ay meel fiican marayaan, haatanna wariyaha AS Edu Cornago ayaa sheegay in heshiiska ‘uu aad ugu dhow yahay in la dhammeeyo.’

Abdihakim Olad

Read Previous

FASAX-BANGIYEED:Boris Johnson Oo Cadaadis Kala Kulmaya Jamaahiirta Ingiriiska Kahor Fiinaalka Euro 2020

Read Next

Talyaaniga Oo Ku Guuleeystay Koobkoodii Ugu Horreeyay Muddo 53 Sanno Ah Iyo Nasiibdarradii Qabsatay Ingiriiska | Warbixin+Sawirro

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?