Lionel Messi Oo Argentina Kula Guuleeystay Koobkiisii Ugu Horreeyay Abid + Sawirro

Lionel Messi ayaa ugu dambeyn soo gabagabeeyay sugitaankiisii koob caalami ah kaddib markii Argentina ay 1-0 kaga badisay Brazil finalka Copa America, iyadoo looga mahadcelinayo goolkii cajiibka ahaa ee uu dhaliyay Angel di Maria.

Marka la eego dhammaan wixii uu qabtay waayihiisa ciyaareed, Lionel Messi waxa keliya ee ka dhinnaa waa in xulkiisa uu kula guuleeysto koob weyn, kaddib markii uu ku guuldarreystay inuu wax u qabto toddobo final oo hore.

Subaxnimadii axadda waxay ahayd isku daygiisii ugu dambeeyay ee ‘hadda ama marna’, iyadoo Argentina ay wajahday xafiiltanka weyn ee Brazil cayaar ka dhacday garoonka Maracana ee Rio de Janeiro.

Ciyaarta ayaa aheyd mid adag laakiin Messi iyo Argentina si dhib ah ayay u ilaashadeen goolkii uu daqiiqaddii 22aad u dhaliyay cayaaryahan Angel Di Maria iyadoo fooridii ugu dambeysay ay keentay farxad iyo koobkoodii ugu horreeyay tan iyo sannadkii 1993.

Abdihakim Olad

Read Previous

Heshiisyadii La Dhammeeystiray Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Maanta

Read Next

“Messi Isagoo Dhaawacan Ayuu Cayaarayay Fiinaalka” – Scaloni

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?