FASAX-BANGIYEED:Boris Johnson Oo Cadaadis Kala Kulmaya Jamaahiirta Ingiriiska Kahor Fiinaalka Euro 2020

Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa wajahaya cadaadis sii kordhaya oo ku aaddan inuu fasax siiyo shaqaalaha haddii xulka kubbada-cagta ee saddexda libaax ay Talyaaniga ku garaacaan garoonka Wembley habeenka axadda.

Jamaahiirta Ingiriiska ayaa billaabay codsi saxiixan oo ku aaddan in fasax la siiyo maalinta berrito ah haddii caawa Ingiriiska ay ku guuleeystaan koobka Qaramada Yurub.

Laga soo bilaabo 10-kii subaxnimo ee maalintii Jimcaha, 661 qof oo ku nool deegaanka Waqooyiga Swindon iyo 544 oo ka socda Koonfurta Swindon ayaa saxiixay codsiga, oo la bilaabay kaliya 8dii Luulyo.

Waxay kamid ahaayeen codsi ka yimid 20,731 oo ruux oo ka kala yimid guud ahaan Koonfur Galbeed dalka – oo ay ku saxiixanyihiin ugu yaraan sagaalka gobol ee Ingiriiska.

In ka badan 300,000 oo taageerayaal ah oo ku baahsan Boqortooyada Midowday ee UK ayaa taageeray tallaabada subaxnimadii Jimcaha.

Abuuraha codsigan Lee Jones ayaa sheegay in cayaarta ugu dambeysa ee 8-da fiidnimo la bilaabayo xilliga UK ay tahay waqti adag oo qoysaska ay qorsheynayaan inay wada joogaan, laakiin ogaanshaha inay haystaan ​​maalin dheeri ah oo fasax ah maalinta ku xigta haddii ay dhacdo guul uu Ingiriiska gaaro ay tahay fursad.

Wuxuu intaas ku daray: “Intaas waxaa sii dheer, guusha taariikhiga ah waa in loo dabaaldegaa.”

“Waxaa laga filan lahaa kooxda guuleysata inay soo bandhigaan koobka, fasax bangiyeedna wuxuu noqon lahaa waqti ku habboon in siddan la sameeyo.” ayuu yiri

Dhammaan taageerayaasha kubbada-cagta ee caalamka inta ugu badan waxay xalay indhaha ku hayeen kulankii fiinaalka Copa America ku dhexmaray xulalka Brazil iyo Argentina, kaasoo natiijo taariikhi ah ugusoo idlaatay Lionel Messi oo markiisii ugu horreeyay xulkiisa kula guuleeystay koob, balse caawa sidoo kale waxaa garoonka Wembley ee magaaladda London isaga hor imanaya xulalka Ingiriiska iyo Talyaaniga si loo go’aamiyo cidda noqoneysa horyaalka qaaradda Yurub.

Falanqeynta iyo horudhaca kulanka ka daawo halkan INGIRIISKA VS TALYAANIGA

Abdihakim Olad

Read Previous

Barcelona & Atletico Oo Wadahadallo Kaga Jira Xiddigo Ay Isdhaafsanayaan

Read Next

Man United Oo Qarka U Saaran Saxiixa Varane

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?