Barcelona & Atletico Oo Wadahadallo Kaga Jira Xiddigo Ay Isdhaafsanayaan

Kooxaha reer Isbaanish ee Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa waxaa u soconaya wadahadallo ku aaddan heshiisyo isdhaafsi ah oo ay qeyb ka yihiin cayaartooyda kala ah Antoine Griezmann iyo Saul Niguez, inkasta oo ay Liverpool wali xiiso u qabto xiddiga Atletico Madrid.

Mundo Deportivo ayaa warinaysa in Liverpool ay ku fashilantay inay la kulanto qiimaha ay Atletico ku doonayso ee 50ka milyan oo yuuro oo ay ku qiimaysay ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer isbaanishka ee Saul, taas oo u ogolaanaysa Barca inay tartankan dhinac kale ka gasho iyadoo u soo bandhigaysa Griezmann.

Si kastaba ha noqotee ,Wadahadallo ayay weli wadaagayaan dhinacyada oo dhan , taasoo la micno ah in Saul uu wali ku dhammaan karo Anfield hadii Reds ay heshiis ku gaarto lacag macquul ah amaba uu Barcelona ugu wareegi karo heshiis ay Griezmann isku dhaafi karaan.

Abdihakim Olad

Read Previous

“Messi Isagoo Dhaawacan Ayuu Cayaarayay Fiinaalka” – Scaloni

Read Next

FASAX-BANGIYEED:Boris Johnson Oo Cadaadis Kala Kulmaya Jamaahiirta Ingiriiska Kahor Fiinaalka Euro 2020

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?