UEFA Oo Ganaaxday Xulka Ingiriiska Kahor Fiinaalka Euro 2020

Xulka kubbada-cagta Ingiriiska ayaa ganaax la kulmay kaddib kulankii semi-finalka Euro 2020 oo ay la cayaareen xulka Denmark.

Saddexda Libaax ayaa ganaax lacageed oo gaaraya €30,000 ay kusoo rogtay hay’adda cayaaraha Yurub ee UEFA oo tiigsaneysa Anshaxa Xakamaynta iyo Anshax marinta taageerayaashii ku qeylinayay heesta calanka Denmark, sidoo kalena shucaac iyo isticmaalka aaladda tilmaanta leysarka adeegsanayay, taasoo kasoo muuqatay wajiga goolhaye Kasper Schmeichel markii uu isku diyaarinayay inuu wajaho Harry Kane oo dhaliyay rigooradii go’aamiska ah ee kulanka daqiiqadii 104aad.

Inkastoo goolhayaha uu badbaadiyay gool ku laadkii Harry Kane semi-finalkii waa uu awoodi waayay inuu ku celiska badbaadiyo kubbada maadaama uu weli sii jiifay dhulka.

Wembley ayaa mar kale marti galin doonta 60,000 oo taageerayaal ah fiinaalka, iyadoo 1,000 taageerayaal ah oo ka socda Talyaaniga loo oggol yahay inay u safraan London si ay u soo daawadaan ciyaarta.

Talyaanigu wuxuu soo gaaray fiinaalka Euro-ga markiisii afaraad, iyadoo Azzurri ay isku dayeen inay ku guuleystaan koobka markii ugu horreysay tan iyo 1968.

Abdihakim Olad

Read Previous

Benzema Oo Taariikh Sameeyn Kara Kaddib Markuu Heshiis Cusub U Saxiixo Real Madrid

Read Next

Milan Oo Qarka U Saaran Saxiixa Giroud

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?