Rasmi: Arsenal Oo Dhameeystirtay Saxiixa Daaficii Aadka Loola Xiriirinayay

Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhammaystirtay saxiixa dambeedka-biddix ee kooxda Benfica Nuno Tavares kaas oo ay ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay xagaaga.

Arsenal ayaa sidoo kale xaqiijisay in uu xiddiga Nuno Tavares kooxda u xidhan doono Nambarka 20aad waliba todobaadkan kooxda la bilaabi doono tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka 2021-22.

Tavares ayaa 30 kulan u saftay kooxda Benfica waxaana si diiran u soo dhaweeyay tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta.

“Waan soo dhawaynaynaa Nuno, waa xiddig da’yar ah oo u soo baxaya kubbada cagta kaas oo sameeyay horumar la taaban karo sannadihii ugu dambeeyay” ayuu yiri Mikel Arteta.

Abdihakim Olad

Read Previous

Barcelona Oo Lasoo Wareegtay Yusuf Demir

Read Next

Foden Oo Sabab Layaab Leh Looga Saaray Tababarkii Xulka Ingiriiska Kahor Fiinaalka Euro 2020

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?