Guardiola Oo Taleefanka Kula Xiriiray Griezmann

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa qadka taleefanka kula hadlay weeraryahanka Barcelona Antoine Griezmann isbuucyadii lasoo dhaafay.


Tababare Pep ayaa kala hadlay Antoine Griezmann arrimo ku saabsan u dhaqaaqista Premier League-ga, sida ay qortay FootMercato.


Barcelona ayaa u furan inay iibiso Griezmann iyadoo kooxda ay dooneyso inay miisaamto miisaaniyaddeeda xilli ay jiraan deymo badan oo lagu leeyahay, laakiin waxaa jira kooxo yar oo adduunka ah oo awoodi kara inay ka iibsadaan weeraryahanka Faransiiska.


Bartilmaameedka koowaad ee Manchester City xagaagan waa Harry Kane laakiin, haddii Tottenham aysan dooneynin inay hoos u dhigto qiimaha xiddigan, Griezmann ayaa noqon kara dookhooda weerarka ee cusub.

Abdihakim Olad

Read Previous

Milan Oo Qarka U Saaran Saxiixa Giroud

Read Next

Arsenal: Hadaladii Ugu Horreeyay Ee Saxiixooda Cusub Iyo Xiddigaha Uu Xiiseeyo Ee Kooxda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?