Sambi Lokonga Oo Maanta Caafimaadka U Maraya Arsenal

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Anderlecht Albert Sambi Lokonga ayaa tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda Arsenal kahor inta uusan dhammeystirin ku biiristiisa Emirates.

21 jirkaan reer Belgium ayaa lala xiriirinayay kooxda Mikel Arteta in muddo ah xagaagan, iyadoo dalab furitaan oo ku dhow 13 milyan oo ginni lagu soo waramayo inay iska diidat Anderlecht bartamihii bishii June.

Si kastaba ha noqotee, sida uu sheegayo saxafiga reer Biljim Sven Claes, heshiiska ayaa lagu wadaa in dhowaan la dhammeystiro, iyadoo Lokonga uu tijaabada caafimaadka u marayo Arsenal maanta (jimcaha).

Haddii uu si guul leh u dhammaystiro tijaabooyinka caafimaadka, 21-jirkan wuxuu ku biiri doonaa asxaabtiisa cusub ee Waqooyiga London isbuuca soo socda si ay isugu diyaarinayaan xilli-ciyaareedka cusub.

Abdihakim Olad

Read Previous

“Waxa Uu Ahaa Rigoore Aan Ahayn Rigoore”

Read Next

Liverpool Oo Dalab Ka Gudbineysa Saul Niguez

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?