Garsooraha Dhexdhexaadin Doonan Kulanka Ingiriiska & Talyaaniga Oo La Shaaciyay

UEFA ayaa shaacisay in Bjorn Kuipers uu dhex dhexaadin doono kulanka finalka Euro 2020 ee Axadda dhexmari doona Ingiriiska iyo Talyaaniga kana dhici doona garoonka Weobley.

Ciyaarta ayaa noqoneysa tii seddexaad ee Kuipers uu garsoore ka noqdo Euro 2020 isagoo garsooray kulankii Belgium ee wareegga group-yada 2-1 kaga badiyay Denmark iyo Spain oo 5-0 ku garaacday Slovakia wareegga group-yada, halka wareega siddeed dhammaadka uu kormeerayay ciyaartii ay Denmark 2-1 kaga badisay Czech Republic.

48-sano jirkaan wuxuu ahaa garsoore caalami ah tan iyo sannadkii 2006 wuxuuna hadda taariikh ku qori doonaa inuu noqdo Hollandeeskii ugu horreeyay ee garsoore ka noqda finalka koobka qaramada Yurub.

Abdihakim Olad

Read Previous

Liverpool Oo Dalab Ka Gudbineysa Saul Niguez

Read Next

Barcelona Oo Lasoo Wareegtay Yusuf Demir

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?