RASMI: Sergio Ramos Oo Ku Biiray PSG

Sergio Ramos ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu yahay cayaaryahan ka tirsan Paris Saint-Germain kaddib markii uu kooxda Faransiiska qalinka ugu duugay heshiis labo sanno ah.

Xiddiga Isbaanishka ah ayaa wadahadalo kula jiray Real Madrid taasoo ku saabsaneyd suurtogalnimada uu qandaraaska ugu kordhinayo Santiago Bernabeu horraantii sannadkan, laakiin kaddib markii uu go’aansaday saacadii ugu dambeysay in uu doonayay inuu aqbalo heshiiska halka sano ah ee loo soo bandhigay, daafacan ayaa sheegay in loo sheegay in dalabkii lagala noqday waxaana uu noqday wakiil xor ah.

Tan iyo markii uu ka tagay Real waxaa jiray kooxo badan oo reer yurub ah oo lala xiriirinayo halyeeygan daafaca dhexe, iyadoo Manchester United ay ka mid ahayd kooxihi xiisaha u qabay.

PSG ayaa go’aansatay inay ku qamaartanto xiddigan oo waayihiisii wacnaa ay soo dhammaadeen sida muuqata haddana waxay si rasmi ah u shaacisay imaatinkiisa Paris iyagoo doonaya inay ka faa’iideeystaan qibradda rugcadaagan iyo tayada ku yara harsan.

Abdihakim Olad

Read Previous

Ingiriiska Oo Iska Xaadirisay Fiinaalka Euro-ga

Read Next

Chelsea Oo Dalab Qaali Ah Ka Gudbineysa Haaland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?