PSG Oo Xoojisay Raacdadii Ay Ugu Jirtay Paul Pogba

Paris Saint-Germain ayaa kor u qaadday baacsiga ay ugu jirtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba waxaana la fahamsan yahay inay kusii kordheyso kalsoonida fursadaha ay ku heli karaan saxiixiisa.

Pogba ayaa galay sannadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa Old Trafford, inkasta oo saraakiisha United ay si aad ah u doonayaan inay ku qanciyaan inuu sii joogo, wadahadalada heshiis kordhinta ayaa si tartiib tartiib ah u socda waxaana jira cabsi laga qabo in ciyaaryahankan khadka dhexe uu diyaar u yahay inuu qandaraas cusub iska diido oo uu doorto inuu kooxda kaga tago qaab bilaash ah xagaaga soo socda siddaas darteedna ay tahay in hadda la dhagaysto dalabyada u imanaya.

Xiisaha PSG ay u qabto Pogba ayaa dhawaan uun soo ifbaxay, laakiin sida ay qortay La Gazzetta dello Sport, kooxda Faransiiska ah ayaa markii ugu horreysay shaacisay rabitaankeeda xiddigan 22-kii Juun, waxaana tan iyo xilligaas ay ku meeraysaneysay saxiixa laacibka reer Faransa.

Ilaa iyo waqtigan, waxaa loo tixgelinayay inay tahay ‘xiise’, laakiin hadda waxaa lagu tilmaamay ‘wax la taaban karo’, iyadoo PSG ay u caddeynayso United inay dooneyso inay heshiis la gaarto xagaagan.

PSG ayaa kalsooni ku qabta in qandaraaska Pogba oo dhacaya sannadka dambe aawadeed ay ku qasbi doonto United inay dhageysato dalabyada isla markaana ay macquul ku noqoto inay helaan adeegiisa, sidoo kale waxaa jira rajo wanaagsan oo ku aaddan in xiriirka dhow ee ay la leeyihiin wakiilka Pogba, Mino Raiola uu u shaqeyn doono dhankooda.

Abdihakim Olad

Read Previous

Chelsea Oo Dalab Qaali Ah Ka Gudbineysa Haaland

Read Next

Arsenal Oo Tottenham Kula Biirtay Loolanka Pjanic

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?