Ingiriiska Oo Iska Xaadirisay Fiinaalka Euro-ga

Harry Kane ayaa shabaqa soo taabtay kaddib markii rigoore laga badbaadiyay uu goosha la helay si uu u hubiyo in Ingiriiska ay wajahaan Talyaaniga finalka Euro 2020.

Goolkii laadka xorta ahaa ee Damsgaard hoggaanka u dhiibay Denmark daqiiqaddii 30aad qeybtii koowaad ayaa waxaa barbarreeyay kubbad qurux badan oo uu Harry Kane la helay Bukayo Saka markaasoo koroos hoose oo uu la beegsanayay Raheem Sterling iska dhaliyay daafac Simon Kjaer 9 daqiiqo kaddib.

Qeybtii hore barbarrahaas ayaa lagu kala nastay … sidoo kale qeybtii labaad labada xulba waxay awoodi waayeen inay shabaqa soo taabtaan markaasoo loo baahday wakhtiga dheeriga ah.

Cayaar xamaasadeeda ay hoggaanka u heysay xulka saddexda libaax oo weerarro dardar leh uga awood Rooney Denmark ayaa dhammaadkii qeybtii hore ee wakhtiga dheeriga ah waxaa si quruxbadan diilinta ganaax ugu dhex orday oo u gooyay 1 ama 2 daafac cayaaryahan Raheem Sterling taasoo dhalisay in cayaaryahan Joakim Mæhle oo Denmark ah ay lugtiisa gaarto xiddiga Ingiriiska markaasoo Ingiriiska lagu abaalmariyay gool ku laad.

Harry Kane ayaa u ambabaxay dhinaca goolka oo laaday kubbada markaasoo Kasper Schmeichel uu badbaadiyay kahor inta aanu ku celiskii bartilmaameedka la helin.

Siddaas ayay Xulka saddexda libaax fiinaalka Tartanka Qaramada Yurub balan ula sameeysteen xulka Talyaaniga.

Abdihakim Olad

Read Previous

TOOS: Ingiriiska vs Denmark |Semi-finalka Euro 2020 | Yaa Adkaan Doona

Read Next

RASMI: Sergio Ramos Oo Ku Biiray PSG

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?