Chelsea Oo Dalab Qaali Ah Ka Gudbineysa Haaland

Kooxda kubbada-cagta Chelsea ayaa qorsheyneysa inay dalab ka gudbiso weeraryahanka suuqa kala iibsiga raacdada loogu jiro ee kooxda Borussia Dortmund Erling Haaland, sida ay qortay 90min.

The Blues ayaa qorsheyneysa inay dalab 150 milyan oo ginni ka gudbiso Haaland kaasoo ay rumeysantahay inay adagtahay in kooxda Jarmalka ay iska diido.

Xiddiga reer Norway ayaa lala xiriirinayay kooxo dhowr ah oo waa weyn laakiin wuxuu sidoo kale la sii joogi karaa Borussia Dortmund.

Haaland iyo wakiiladiisa waxay booqdeen Real Madrid iyo Barcelona, halka Chelsea iyo Manchester City sidoo kale lagu qiimeeyay xiisaha balse haatan Chelsea ayaa isku diyaarineysa dhaqdhaqaaq weyn oo ku aaddan xiddigan aadka loo qiimeeyo.

Abdihakim Olad

Read Previous

RASMI: Sergio Ramos Oo Ku Biiray PSG

Read Next

PSG Oo Xoojisay Raacdadii Ay Ugu Jirtay Paul Pogba

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?