Arsenal Oo Tottenham Kula Biirtay Loolanka Pjanic

Arsenal ayaa ah kooxdii ugu dambeysay ee muujisa xiisaha ay u qabto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Miralem Pjanic waxayna wadahadalo la furtay sidii ciyaaryahanka reer Bosnia loogu amaahin lahaa Emirates Stadium.

Barcelona ayaa hadafkeedu yahay inay hoos u dhigto qarashaadka kaga baxa cayaartooyda waxayna horeyba ugu yaboohday inay joojiyaan qandaraasyada Pjanic iyo Samuel Umtiti oo labaduba diiday inay siddaas sameeyaan.

Iyada oo albaabkaasi haatan xiran yahay, u ogolaanshaha ciyaartoydu inay amaah uga baxaan ayaa loo arkaa inay tahay fursadda ugu macquulsan. Iyadoo Pjanic, kooxo fara ku tiris ah oo qaaradda Yurub ay usoo bandhigeen xiisaha ay u qabaan, iyadoo Tottenham Hotspur inta badan loo arkayay inay tahay koox hoggaanka u heysa xiisahan.

Si kastaba ha noqotee, waxaan heysanaa xafiiltan yar oo dhexmaray kooxaha ka dhisan waqooyiga London iyadoo Sport (Sport Witness) ay sheegeyso in Arsenal ay kusoo biirtay xiisaha goor dambe isla markaana ay si cad u caddeeyeen inay doonayaan inay amaah ku qaataan Pjanic xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa la xiriirtay wakiilada Pjanic si ay ugala hadlaan heshiiska waxayna ku wargeliyeen inay diyaar u yihiin inay daboolaan mushaharka 31 jirkaan, laakiin waa kaliya haddii aysan bixin lacag ay kula soo wareegayaan amaah ahaan.

Isla sidaas oo kale ayaa u socota Tottenham. Tababaraha cusub ee kooxdaasi Nuno Espirito Santo ayaa ogolaaday iskudeyga lagula soo wareegayo Pjanic, laakiin saraakiisha kooxda ayaa kaliya soo jiidan doona haddii Barcelona ay ogolaato inay meesha ka saarto lacagta amaahda ah.

Abdihakim Olad

Read Previous

PSG Oo Xoojisay Raacdadii Ay Ugu Jirtay Paul Pogba

Read Next

“Waxa Uu Ahaa Rigoore Aan Ahayn Rigoore”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?