Talyaaniga Oo Fiinaalka Euro 2020 U Gudubtay

Xulalka Talyaaniga iyo Isbaanishka ayaa barbarro 1:1 ah ku dhammeeystay 90kii daqiiqo ee kulankii ka qabsoomay garoonka Wembley ee magaalada London iyadoo ay labada dhinac goolal ka kala heleen Federico Chiesa oo Talyaaniga hoggaanka u dhiibay iyo Alvaro Morata oo u barbarreey Isbaanishka kulan xamaasad badnaa oo loo baahday 30 daqiiqo oo dheeri ah.

Sheekadu halkaa kuma ekaan’ee, labada xul ayaa markii ay ku kala bixi waayeen 30kii daqiiqo ee lagu daray waxaa ay noqotay in rigoorayaal lagu go’aamiyo cidda u gudbeysa fiinaalka Euro 2020.

Labada xulba waa ay ku guudarreeysteen inay dhaliyaan isku-deyadii ugu horreeyay ee rigoorayaasha, intaa kaddib Alvaro Morata ayaa u istaagay rigooradii 4aad ee xulkiisa Isbaanishka balse laadkiisii daciifka ahaa waa laga badbaadiyay ugu dambeynna Jorginho ayaa Talyaaniga usoo dhaqaaqay si uu u laado rigooradii ugu dambeeyay ee cayaarta waxaana ay ahayd tii Talyaaniga u dirtay fiinaalka Tartanka Qaramada Yurub.

Abdihakim Olad

Read Previous

RASMI: PSG Oo La Wareegtay Achraf Hakimi

Read Next

Morata Oo Dhigay Rikoor Cusub, Wuxuuna Sidoo Kale Barbarreey Kii Cristiano Ronaldo Inkastoo Xulkiisa Laga Adkaaday Kulankii Semi-finalka Euro 2020

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?