Morata Oo Dhigay Rikoor Cusub, Wuxuuna Sidoo Kale Barbarreey Kii Cristiano Ronaldo Inkastoo Xulkiisa Laga Adkaaday Kulankii Semi-finalka Euro 2020

Weeraryahanka Xulka Isbaanishka Alvaro Morata ayaa qasaariyay rigooradii 4aad ee xulkiisa taasoo u sahashay in Jorginho uu Talyaaniga u helo fursad ay ugu gudbi karaan Fiinaalka oo uu ka faa’iideeystay, taasi waxay xulkiisa ku riday niyad jab weyn balse xiddigan ayaa rikoor dhigay kulankii Semi-fiinaalka Euro 2020.

Alvaro Morata ayaa magiciisa ku qoray buugaagta taariikhda maadaama goolkii cajiibka ahaa ee uu ka dhaliyay Talyaaniga ay ka dhigtay inuu ka sarreeyo Fernando Torres halka uu barbarreeyay rikoorkii Cristiano Ronaldo ee Euro-ga.

Goolka Morata ayaa yimid daqiiqaddii 80-aad ee ciyaartii semi-finalka Euro 2020 oo Isbaanishka ay la ciyaareen Talyaaniga iyadoo Azzurri ay 1-0 ku ku hoggaamineysa kaddib gool uu u dhaliyay Federico Chiesa.

Laakiin, kaddib markii uu baas ka helay Dani Olmo, Morata ayaa si qurux badan u dhameystiray, isagoo taariikh dhigay halka uu sidoo kale ciyaarta u diray waqti dheeri ah.

WAA MAXAY RIKOORADA MORATA?

Goolkani wuxuu ahaa goolkii lixaad ee uu Morata ka dhaliyo tartanka Euro-ga, wuxuuna ka sarre maray Fernando Torres, kaasoo hore u ahaa gooldhaliyaha ugu sarreeya Spain ee tartankan oo heystay shan gool.

Morata ayaa sidoo kale noqday xiddigii labaad ee seddex gool iyo wax ka badan ka dhaliya dhowr Euro, isagoo rikoorkaas kula biiray Cristiano Ronaldo, kaasoo sidaas ku sameeyay seddex tartan oo kala duwan.

Intaas waxaa sii dheer, Morata oo aanan kulankan beddel kusoo galay ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Isbaanish ah ee garoonka Wembley Stadium gool uga dhaliya isagoo metalaya koox ama wadan.

Abdihakim Olad

Read Previous

Talyaaniga Oo Fiinaalka Euro 2020 U Gudubtay

Read Next

Aouar Oo Seegay Tababarka Kooxdiisa Xilli Arsenal Ay Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?