Bonucci: “Kulankeygii Ugu Adkaa Abid Ayuu Ahaa”

Daafaca ayaa ka caawiyay dalkiisa inay u gudbaan finalka Euro 2020 oo ay la cayaaraan midkood Ingiriiska ama Denmark.

Daafaca rugcaddaaga ah ee xulka Talyaaniga Leonardo Bonucci ayaa qirtay in kulankii Talaadadii ay la cayaareen Isbaanishka uu ahaa kulankii ugu adkaa ee uu abid cayaaro iyadoo Azzurri ay boos ka heleen finalka Euro 2020.

Xulka Bonucci ayaa Spain kaga awood roonaaday rigoorayaal markii 130 daqiiqo la isku dhaafi waayay 1:1, waxaana ay Fiinaalka Euro 2020 la ciyaarayaan midkood xulalka Ingiriiska iyo Denmark oo caawa is wajahaya.

MUXUU YIRI BONUCCI?

“Tani waa cayaartii ugu adkayd ee aan abid cayaaro. Waxaan ugu hambalyeynayaa Isbaanishka wixii ay muujiyeen, laakiin markale Talyaanigu wuxuu muujiyey qalbi, go’aan iyo karti uu ku riixo waqtiyada adag iyo bakhtiyaal nasiib ciqaabeed oo nagula abaal mariyey, ”Bonucci ayaa u sheegay RAI Sport.

Wuxuu sii raaciyay : “Guusha aad u dhibtoodo had iyo jeer waa tan ugu raaxada badan. ”

Abdihakim Olad

Read Previous

Aouar Oo Seegay Tababarka Kooxdiisa Xilli Arsenal Ay Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay

Read Next

5 Kamid Ah Kulamadii Ugu Caansanaa Ee Dhexmaray Ingiriiska iyo Denmark

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?