Aouar Oo Seegay Tababarka Kooxdiisa Xilli Arsenal Ay Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay

Kubbad-sameeyaha kooxda Lyon ayaa lagu soo waramayaa inuu ka maqnaa tababarka kooxda ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Arsenal ayaa dalab rasmi ah ka gudbisay xiddiga khadka-dhexe ee kooxda Lyon Houssem Aouar, iyadoo wadahadalada labada dhinac la sheegay inuu si wanaagsan u socdaan.

Gunners ayaa xagaagii hore si aad ah u baacsanaysay kubbadsameeyahan laakiin kaddib markii dalabyo badan laga diiday oo loo sheegay in ay tahay inay ku qarashgareeyaan £ 45million adeegiisa, waxay doorteen inay la soo wareegaan Thomas Partey.

Haatan kooxda Arsenal ayaa mar kale u dhaqaaqday saxiixa Houssem Aouar xagaagan iyaga oo dalab Rasmi ah ka gudbisay kooxda Lyon sida ay qortay Le10 Sport.

Waxaana la sheegayaa in Gunners ay xiddigan kula saxiixan karto keliya 17 milyan oo ginni oo ay haatan dalab intaa gaarsiisan ka gudbiyeen sida lasoo warinayo.

Dalabka Arsenal ayaa yimid daqiiqado uun kaddib markii Aouar lagu qasbay inuu si xoogan u beeniyo wararka ‘been abuurka ah’ ee sheegaya inuu ka baaqday Lyon maalintii ugu horreysay ee tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka si uu u qasbo inuu ka tago kooxda.

Wuxuu yiri: ‘markale, nasiib-darro war kale oo been abuur ah ayaa lagu daabacay baraha bulshada.”

Inta badan kama jawaabo waxa la iga sheego… Waan xanuunsanayay oo isbitaal ayaan jiifay isbuucii dhammaaday. Waxaan hadda sameynayaa wax aad u wanaagsan waxaanan diyaar u ahay waxa soo socda.”

Abdihakim Olad

Read Previous

Morata Oo Dhigay Rikoor Cusub, Wuxuuna Sidoo Kale Barbarreey Kii Cristiano Ronaldo Inkastoo Xulkiisa Laga Adkaaday Kulankii Semi-finalka Euro 2020

Read Next

Bonucci: “Kulankeygii Ugu Adkaa Abid Ayuu Ahaa”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?