RASMI: PSG Oo La Wareegtay Achraf Hakimi

Kooxda kubbada-cagta PSG ayaa la wareegtay dambeedkii middig ee kooxda Inter Milan Achraf Hakimi.

Inter ayaa bayaan ay goordhoweyd soo saartay xaqiijisay saxiixa xiddiga reer Morocco waxaana uu ugu wareegayaa heshiis 68 milyan oo yuuro ah.

Hakimi ayaa kooxda Faransiiska qalinka ugu duugay heshiis 5 sanno ah oo magaalada Paris kusii heynaya ilaa sannada 2026ka.

Hakimi ayaa kusoo ifbaxay kooxda Serie A-da kaddib markii uu kalasoo saxiixdeen kooxda Real Madrid isagoo ololihii ugu dambeeyay caawiyay 9 gool isagoo 7 jeerna shabaqa soo taabtay markii kooxda macalin Antonio Conte uu kula guuleeystay Scuddeto-ha dalkaasi Talyaaniga.

Abdihakim Olad

Read Previous

TOOS: SPAIN VS ITALY | DAAWO 4 Dhammaadka Euro 2020

Read Next

Talyaaniga Oo Fiinaalka Euro 2020 U Gudubtay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?