Neymar Oo Farriin U Diray Messi Kaddib Markii Brazil Ay U Gudubtay Fiinaalka Copa America

Xiddiga kooxda PSG Neymar Jr ayaa kalmado dhiirogelin ah hawada u mariyay saaxiibkiis Lionel Messi kaddib markii xulka Brazil ay gaareen fiinaalka tartanka Copa America.

Argentina ayaa xulka Colombia ku wajihi doonta semi-finalka labaad saacadaha hore ee subaxnimada Arbacadda, maalin kaddib markii Brazil ay garaacday Peru si ay ugu gudubto bandhigga Maracana

Kahor inta aanay soo bilaaban cayaarta Argentina iyo Colombia 4ta habeenimo ee caawa, Neymar Jr ayaa hawada farriimo u mariyay koox wadaagiisii hore ee Lionel Messi .

“Waxaan doonayaa Argentina, waanan ku faraxsanahay iyaga,” ayuu yiri Super Star-ka Paris Saint-Germain. “Waxaan ku leeyahay saaxiibbo halkaas finalkana Brazil ayaa guuleysan doonta.”

Argentina iyo Brazil ayaa kulankoodii ugu dambeeyay ee tartan rasmi ah ku kulmay semi-finalka Copa America ee 2019, markii Gabriel Jesus iyo Roberto Firmino ay shaqada dhex dhigeen kubbada guushii 2-0 ahayd ee u sahashay horyaalkoodii sagaalaad.

Messi ayaa doonaya inuu gaaro finalkiisii afaraad ee Copa America isla markaana uu xulkiisa kula guuleysto koobkii ugu horreyay iyagoo ku dhammeystay kaalinta labaad ee tartamada 2007, 2015 iyo 2016.

Abdihakim Olad

Read Previous

Liverpool Oo Fasax Dheer Siineeysa Cayaartooydeeda

Read Next

Barca Oo Griezmann Iska Iibineysa Haddii Messi Uu Heshiis Cusub Saxiixo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?