Manchester United Oo Dalabkii Ugu Horreeyay Ka Gudbineysa Camavinga

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaarineyso dalab furitaan ah oo 30 milyan oo ginni ah oo ay ku dooneyso ciyaaryahanka layaabka leh ee kooxda Rennes Eduardo Camavinga, kaasoo sidoo kale diiradda u saaran kooxda Chelsea.

Sida laga soo xigtay warbixin kasoo baxday wargeyska Faransiiska ee Le Parisien, Manchester United ayaa isku diyaarineysa inay qaado talaabada ugu horreysa oo ay ku raadineyso ciyaaryahanka khadka dhexe ee Rennes Eduardo Camavinga xagaagan iyagoo kooxdiisa usoo bandhigaya dalab 30 milyan oo ginni ah oo ku aaddan saxiixa xiddigan.

Camavinga wuxuu kasoo dhex muuqday safka akaadeemiga kooxda Rennes wuxuuna kasoo muuqday safka kooxda koowaad dhammaadkii xilli ciyaareedkii 2018/19. Ololihii xigay wuxuu arkay inuu ku riyaaqay waxqabad sax ah markii uu calaamadeeyay booskiisa joogtada ah ee kooxda halka uu ka caawiyay kooxdiisa inay ku dhammeysato kaalinta seddexaad ee Ligue 1-ga dalkaasi Faransiiska, waxaana haatan qaab ciyaareedkiisa ay ka digayaan kooxo waa weyn oo qaaradda Yurub ah.

Abdihakim Olad

Read Previous

Barca Oo Griezmann Iska Iibineysa Haddii Messi Uu Heshiis Cusub Saxiixo

Read Next

Magaalada Montreal Ee Dalka Canada Oo Ka Laabatay Martigelinta Koobka Adduunka 2026ka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?