Magaalada Montreal Ee Dalka Canada Oo Ka Laabatay Martigelinta Koobka Adduunka 2026ka

Xiriirka kubbada-cagta wadanka Canada ayaa maanta ku dhawaaqay in magaalada Montreal ay ka baxday xulashada magaalooyinka martigelin doona Koobka Adduunka ee 2026.

“Waxaan uga mahadcelineynaa Magaalada Montréal kaqeyb galkooda howsha tartanka waxaana rajeyneynaa inaan sii wadno wadashaqeynta aan la leenahay dowladda hoose oo ay weheliso Dowladda Canada oo aan taageerno xulashada Edmonton, Alberta iyo Toronto iyo Ontario oo kamid ah magaalooyinka martigelinaya Koobka Adduunka 2026, ” xiriirka kubbada-cagta Canada ayaa ku tiri bayaan ay soo saartay.

Hay’adda qaabilsan cayaaraha adduunka ee FIFA ayaa dajisay taariikh ku beegan dhammaadka 2021 si ay doorato magaalooyinka Waqooyiga Ameerika ee martigelinaya Koobka Adduunka 2026 iyadoo haatan Montreal ay isaga baxday xulashooyinka.

Abdihakim Olad

Read Previous

Manchester United Oo Dalabkii Ugu Horreeyay Ka Gudbineysa Camavinga

Read Next

Brighton Oo Ka Jawaabtay Wararka Sheegaya In Arsenal Ay Heshiis Kala Gaartay Ben White

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?