Liverpool Oo Fasax Dheer Siineeysa Cayaartooydeeda

Xilli ciyaareedkii 2020-21 wuxuu ahaa mid daal badan oo saameyn ku yeeshay kooxdii Liverpool ee la halgameysay dhibaato dhaawac oo aan horay loo arag, iyadoo ciyaartoy badan ay sidoo kale dhowaan u ambabaxeen waajibaadka xulalkooda ee Euro iyo Copa America, waxaa jiray cabsi laga qabo inay dhici karto in cayaartooydaas ay heli waayaan fursad nasiino oo ballaaran islamarkaana ay durbaba kooxda la billaabaan ugu yaraan 1 todobaad oo ah isku diyaarinta ololaha xiga.

Si kastaba ha noqotee, inkastoo ay kooxdu ku qasban tahay inay siiso ciyaartoy labo toddobaad fasax ah kaddib tartan weyn oo xagaaga ah, Liverpool ayaa dejisay jaangooyo seddex isbuuc ah oo fasax ah taasoo ah tan ugu yar ee ciyaartoydooda siineeyso xagaagan, waxaana xulashadu ay noqon doontaa in dhammaan ay helaan bil dhammeeystiran kahor inta aan dib loo billaabin xilli-cayaareedka 2021-2022 taasoo la micna noqoneysa inay qaarkood taam ahaansho buuxa u heysan doonin kulanka furitaanka horyaalka.

Jordan Henderson, Thiago Alcantara, Roberto Firmino, Fabinho, iyo Alisson ayaa ah shanta Reds ee wali ficilka ku jira. Ciyaaryahan kasta oo ka qeyb qaata finalka Euros ama Copa America, waxay la micno noqon kartaa inuu ku laabto Liverpool isbuuca labaad ee Ogoosto, taasoo siinaysa isbuuc tababar ah kahor xilli ciyaareedka 2021-2022 oo kulanka furitaanka ay la ciyaarayaan Norwich.

Abdihakim Olad

Read Previous

RASMI: Marseille Oo La Wareegtay Guendouzi

Read Next

Neymar Oo Farriin U Diray Messi Kaddib Markii Brazil Ay U Gudubtay Fiinaalka Copa America

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?