Koox Premier League-ga Ka Cayaarta Oo Coronavirus La Tacaalaysa

Koox kamid ah kooxaha ka cayaara horyaalka heerka koowaad ee Ingiriiska ee Premier League-ga ayaa cayaartooydooda laga helay Coronavirus – waa cayaartooyda aan xulalkooda ku meteleynin tartamada heerka caalami ee sannadkan.

Sida uu warinayo wargeyska Telegraph, cayaartooyda ayaa markii ay tababarka isku diyaarinta xilli-cayaareedka kusoo laabteen laga helay kiisas cudurka Covid 19 ah, labba cayaaryahan ayaa xanuunsaday halka mid kamid ah shaqaalaha tababarkana lagula taliyay inuu wajaho gooni u sooc kaddib markii caruurtiisa laga helay cudurka.

Tani waxay xaalad xun ku abuureysaa kooxaha Premier League-ga halkaasoo ciyaartoydii laga helaa Covid-19 ay tahay inay karantiilnaadaan 10 maalmood.

Kooxda cudurka laga helay lama shaacin ilaa haatan balse waxaa la fahansanyahay inay tahay mid kamid ah 6da koox ee ugu waaweeyn tartankan.

Abdihakim Olad

Read Previous

Brighton Oo Ka Jawaabtay Wararka Sheegaya In Arsenal Ay Heshiis Kala Gaartay Ben White

Read Next

TOOS: SPAIN VS ITALY | DAAWO 4 Dhammaadka Euro 2020

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?