Ribery Oo Sheegay Inuu Cayaarista Sii Wadayo

Cayaaryahankii hore ee kooxda Bayern Munich Frank Ribery oo haatan wakiil xor ah kaddib markii ay iska fasaxday kooxda Fiorentina ayaa sheegay inuu sii wadayo cayaarista kubbada-cagta uuna raadsan doono koox cusub.

Franck Ribery ayaan dooneynin inuu ka fariisto kubbada-cagta inkastoo uu yahay koox la’aan haatan, sida ay qortay jariiradda Bild.

38 jirkaan ayaa haatan ku raaxeysanaya gurigiisa oo ku yaalla magaalada Munich kaddib markii ay siideysay kooxda La Viola xilli uu labo xilli ciyaareed ku qaatay Florence.

Si kastaba ha ahaatee, laacibkii hore ee xulka qaranka Faransiiska ayaa wali doonaya inuu ciyaaro ilaa uu ka gaarayo da’da 40 sanno jirka wuxuuna isha ku hayaa safarkiisa xiga isagoo haatan baadigoob ugu jira koox cusub kahor xilli ciyaareedka soo aaddan.

Abdihakim Olad

Read Previous

Guendouzi Oo Sheegay Inuu Ka Tegayo Arsenal Iyo Kooxda Uu Ku Biirayo

Read Next

Ballon D’or: Qiimeeyntii Ugu Dambeeysay Ee Liiska Xiddigaha Ku Tartamaya Abaalmarinta Sannadkan 2021

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?