Guendouzi Oo Sheegay Inuu Ka Tegayo Arsenal Iyo Kooxda Uu Ku Biirayo

Cayaaryahanka khadka-dhexe ee kooxda Arsenal Matteo Guendouzi ayaa sheegay inuu ka tegayo kooxda Waqooyiga London.

Xiddigan ayaa xaqiijiyay inuu ka tagayo Arsenal kaddib seddex sano oo uu ku sugnaa garoonka Emirates.

22 jirkan ayaa Arsenal kaga soo biiray kooxda Faransiiska ee Lorient sanaddii 2018-kii wuxuuna u ciyaaray kooxda 82 kulan tartamada oo dhan.

Waxa uu xilli ciyaareedkii 2020-21 amaah ku qaatay kooxda Hertha Berlin, waxaana uu haatan u dhaqaaqi doonaa koox cusub ololaha soo socda – iyadoo Marseille ay wadahadalo horumar leh kula jirto ciyaaryahankan.

Isaga oo ku xaqiijinaya ka tagistiisa Arsenal bartiisa Twitter-ka, Guendouzi ayaa yidhi: “Weligay ma ilaabi doono Emirates Stadium, Weligay ma iloobi doono taageerayaasha, ma iloobi doono magaaladda, Weligay ma iloobi doono wax walba oo aan halkan kusoo maray. Iska ilow in dardaarankeyga kaliya uu ahaa inaan si sharaf leh u difaaco midabadda Arsenal.”

“Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan intii i rumaysatay intii aan halkan joogay, intii wanaagga ahayd iyo xilliyadii xumaa. Waxaan kaliya u rajeyn karaa wanaagga kooxda iyo taageerayaasheeda ee mudan in badan, i aamina! marnaba ma illoobo doono weligeeyna waxaan ahaanayaa gooner.”

Abdihakim Olad

Read Previous

Arsene Wenger Oo Taageeray In 2dii Sano Mar La Qabto Koobka Adduunka

Read Next

Ribery Oo Sheegay Inuu Cayaarista Sii Wadayo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?