Real Iyo United Oo Isdhaafsanaya 2 Xiddig

Kooxda kubbada-cagta ee Real Madrid ayaa dooneysa flop-ka Manchester United Donny van de Beek si ay qeyb uga dhigto heshiiska Raphael Varane uu ugu wareegayo kooxda Manchester United, sida ay qortay The Sun.

Red Devils ayaa ceyrsaneysay daafaca Faransiiska ee kooxda Los Blancos ololihii dhowaa oo dhan, haatanna Real Madrid ayaa siineeysa fursad ay kula saxiixan karto xiddigan iyagoo usoo bandhigay heshiis ay iyagana kula wareegayaan xiddiga reer holland ee Donny Van De Beek oo ay doonayaan inay ku qaataan amaah hal xilli ciyaareed ah.

Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay weydiisatay Manchester United adduun lacageed gaaraya 50 milyan oo ginni si ay u iibsato Varane, kaddib markii labada naadi ay wadahadalo bilow ah yeesheen dhowaan.

28 jirkan oo xulkiisa Faransiiska ku metalayay tartanka Qaramada Yurub oo ay ka hareen haatan ayaa 12 bilood uga hartay qandaraaskiisa magaalada Madrid Manchester United ayaana usoo bandhigeysa hoy wanaagsan iyo qandaraas cusub.

Abdihakim Olad

Read Previous

Barcelona Oo Aan Weli Ka Quusan Erling Haaland

Read Next

Barcelona Oo U Sheegtay Umtiti & Pjanic Inay Bixi Karaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?