RASMI: Wolves Oo La Wareegtay Da’yarka Kooxda Barcelona Francisco Trincão

Da’yarka kooxda Barcelona Francisco Trincao ayaa amaah ugu biiray kooxda Premier League ka dhisan ee Wolves inta lagu guda jiro ololaha 2021-22.

Wolves ayaa heysata fursad ay si joogto ah kula saxiixan karto xiddigan Burtuqiiska ah dhammaadka xilli ciyaareedka iyadoo lagu soo waramayo inay Barcelona ku dooneyso 25 milyan oo ginni (€ 29.12m).

Trincao ayaa Barcelona kaga yimid Braga 12 bilood kahor heshiis 31 milyan euro ah wuxuuna 42 kulan u saftay kooxda reer Catalan xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Camp Nou.

Kooxda Wolves ayaa saxiixan ku shaacisay websaydkooda iyadoo Trincão uu noqonayo saxiixoodii labaad ee xagaaga kaddib imaatinka daafac Yerson Mosquera.

Abdihakim Olad

Read Previous

Ingiriiska Oo Dardaray Yuukreyn Si Uu U Gaaro Semi-finalka EURO 2020 + SAWIRRO

Read Next

Kooxda PSG Oo Heshiis Usoo Bandhigtay Lionel Messi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?