RASMI: Kooxda Marseille Oo La Wareegtay Xiddigii Kooxda Roma Cengiz Ünder

Marseille ayaa dhammeystirtay soo gabagabeeysay xiisihii ay u qabeen xiddiga Roma, iyagoo gacanta kusoo dhigay weeraryahanka heerka caalami ee dalka Turkiga.

Kooxda Olupique de Marseille ee dalka Faransiiska ayaa qaab amaah ah kula wareegtay xiddiga kooxda As Roma ee Cengiz Ünder.

Kooxda Faransiiska ayaa saxiixan ku shaacisay boggeeda rasmiga ah waxaana heshiiskan amaahda ah uu ku egyahay ilaa dhammaadka ololaha xiga markaasoo ay heestaan ikhtiyaari ah inay si toos ah ula saxiixan karaan xiddigan.

23 jirkan ayaa ka dhacay dookha doorasho ee kooxda Roma, iyadoo macalinka cusub ee kooxdaa Jose Mourinho uu u sheegay xiddigan inuusan qeyb ka ahayn qorshihiisa ololaha soo aaddan. Kooxda Marseille ayaana xiddigan ka badbaadisay inuu u dhaadhaco kursiga keydka ee kooxda Giallorossi iyagoo boos joogto ah u balanqaaday.

Abdihakim Olad

Read Previous

DEG-DEG: United Oo Heshiiska Shaqsiga Ah La Gaartay Varane

Read Next

Pedri Oo Wacad Ku Maray Inuu Madaxa Iska Xiirayo Haddii Spain Ay Ku Guulleeysato Euro 2020

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?