Pedri Oo Wacad Ku Maray Inuu Madaxa Iska Xiirayo Haddii Spain Ay Ku Guulleeysato Euro 2020

Pedri ayaa laga yaabaa inuu u baahdo inuu soo koofiyado soo iibsado kaddib markii wiilka yar ee Barcelona uu wacad ku maray inuu madaxiisa xiiri doono haddii xulkiisa Spain ay ku guuleysato Euro 2020.

Ciyaaryahankan khadka dhexe ayaa qaab-cayaareed aad u fiican soo bandhigay tan iyo haatan tartanka Euro 2020, mana uusan seegin hal daqiiqo oo kamid ah ololaha xulka La Roja ee tartanka.

Inkastoo uusan wali diiwaan gelin gool ama caawin, haddana Pedri oo kubbadda heysta ayaa ahaa mid cajiib ah sidoo kale wadistiisa xawaaraha leh ee kubbada ayaa fure u ahaa guulihii xulkiisa.

Pedri waa cayaaryahanka daboolay musaafadda ugu badan tartanka Euro 2020 ilaa hataan wuxuuna heystaa rikoor xawaare ah oo gaarsiisan 61.5km.

Guul ay ka gaareen Switzerland markii ugu dambeysay ayaa Spain u ballamisay booskooda 4 dhammaadka tartanka.

Pedri ayaa daaha ka qaaday inuu u dabaaldegi doono qaab aan caadi ahayn isagoo balan qaadday inuu madaxa iska xiiri doono haddii xulkiisa ay ku guuleeystaan tartankan.

Wuxuu yiri “Waxay ahayd riyo inaan awoodo inaan xirto maaliyadda Barcelona iyo Spain. Waxaan rajeynayaa inaan ku raaxeysan doono [semi-finalka]. Haddii aan ku guuleysano Horyaalka Yurub madaxayga waan xiirayaa.”

Abdihakim Olad

Read Previous

RASMI: Kooxda Marseille Oo La Wareegtay Xiddigii Kooxda Roma Cengiz Ünder

Read Next

Pulisic Oo Halis Weyn Galay Kaddib Markii Uu Badda Ku Dhexdhacay (Muuqaal)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?