Patrick Vierra Oo Noqday Tababaraha Kooxda Crystal Palace

Halyeeyga Gunners, kaasoo horay usoo maamulay kooxaha Nice iyo New York City FC ayaa shaqada kooxda Koonfurta London kala wareegaya Roy Hodgson.

Crystal Palace ayaa xaqiijisay Patrick Vieira inuu yahay tababaraha cusub ee kooxda kaddib markii heshiis seddex sano ah oo uu ku qaadan doono Selhurst Park ay kala saxiixdeen.

45 jirkaan, oo xirfadiisa tababarenimo ka bilaabay kooxda New York City FC ee ka ciyaarta MLS-ka Mareykanka, ayaa qabtay markii ugu horreysay shaqo Premier League-ga ah balse waa shaqada tababarenimo-e, Vierra ayaa ku xusan inuu yahay mid ka mid ah cayaartoydii khadka dhexe ee ugu fiicneyd muddo toban sano ah oo uu u cayaarayay kooxda Waqooyiga London ka dhisan ee Arsenal.

Vierra oo geeska kale ee London cayaaryahan mar kasoo ahaa ayaa haatan dhinaca kale u wareegay isagoo tababare ah wuxuuna kooxdiisii hore ee Gunners kahor iman doonnaa markii ugu horreeysay abid isagoo tababare ah.

Abdihakim Olad

Read Previous

Kooxda PSG Oo Heshiis Usoo Bandhigtay Lionel Messi

Read Next

Lionel Messi Muxuu Sameeyay Kulankii Xalay?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?