Lionel Messi Muxuu Sameeyay Kulankii Xalay?

Xiddiga kasoo jeeda Koonfurta Ameerika, oo qandaraaskii uu kula jiray kooxda Barcelona uu dhowaan idlaaday, ayaa ka qeyb qaatay seddexdii gool ee kulankii xalay ay 3-0 kaga badiyeen xulka Ecuador.

Lionel Messi ayaa dhaliyay laad xor ah si uu u caddeeyo guul 3-0 ah oo Argentina ay ka gaartay Ecuador sabtidii wareegga quarter-finalka Copa America, iyadoo qaab ciyaareedkiisa uu amaan weyn ka helay asxaabtiisa kooxda iyo inta badan saxaafadda.

Weeraryahankan ayaa sidoo kale caawiyay labada gool ee kale ee xulkiisa guusha usoo hoyay – mid kamid ah goolashaasi wuxuu caawiyay amaba uu baaska bixiyay isagoon eegin bartilmaameedkiisa.

Cayaaryahan Nico Gonzalez ayaa sheegay cayaarta kaddib inay Messi cayaartiisa ka helaan “kalsooni iyo farxad”.

Xulka Argentina ayaa dhaliyay 10 gool guud ahaan tartanka Copa America haatan, Lionel Messi wuxuu qeyb ka ahaa dhammaan 10kii gool ee ay dhaliyeen. Wuxuu dhaliyay 4 gool 4 kalena waa uu caawiyay halka 2da kalena uu qeyb weyn ka qaatay dhisidda weeraradii sahlay in la dhaliyo.

Lionel Messi ayaa si keli ah dhabarka ugu sitaa xulkiisa inta karaankisa ah waxaana uu isha ku hayaa inuu kula guuleeystoo koobkii ugu horreeyay abid.

Argentina ayaa wajihi doonta Colombia afar dhammaadka tartanka maalinta Talaadada ah, Messi ayaana isku dayi doonaa inuu sii wado waxqabadkiisa.

Abdihakim Olad

Read Previous

Patrick Vierra Oo Noqday Tababaraha Kooxda Crystal Palace

Read Next

Rio Ferdinand Oo Sharraxaad Ka Bixiyay Bandhigyada Maguire Ee Xulka Saddexda Libaax

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?