Kooxda PSG Oo Heshiis Usoo Bandhigtay Lionel Messi

Paris Saint-Germain ayaa qandaraas usoo bandhigtay weeraryahanka Barcelona iyo xulka Arjentiina ee Lionel Messi kaasoo noqday wakiil xor ah todobaadkan kaddib marki uu ka cagajiidday inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa.

Qandaraaska Messi ee Camp Nou ayaa haatan dhammaaday inkastoo wadahadalada heshiis kordhinta ay horumar isdaba joog ah sameynayaan, haddana waxaa jira caqabado dhaqaale oo waa weyn oo horyaala kooxda Blaugrana kahor inta aan wax walba la dhammeystirin.

Kooxda reer Isbaanish ayaa dooneeysa inay Lionel Messi ka saxiixato heshiis cusub oo uu kooxda kusii joogayo balse waxay usoo bandhigeen dalab iyaga u gaar ah oo aan ahayn dalabka uu xiddigan doonayo taasoo xaaladdaha cakirineysa.

Iyadoo uu xaalku siddaas yahay ayay kooxda PSG waxay ka faa’iideeysaneysaa fursaddaas iyagoo si rasmi ah ula hadlay Messi aabbihiis una gudbiyay dalab uu kamid yahay musha’har aad uga sarreeya kan ay usoo bandhigtay Barcelona xilli ay rajeynayaan inuu aabbihii ku qanciyo wiilkiisa inuu usoo weecdo dhanka caasimadda Faransiiska.

Messi ayaa caddeeyay inuusan go’aan rasmi ah ka gaari doonin mustaqbalkiisa inta uu Copa America socdi.

PSG ayaa aad ugu faraxsan inay siiso Messi waqtiga uu doonayo, laakiin waxaas oo dhan waxay noqon kartaa wax aan micno lahayn maadaama ciyaaryahankan la rumeysan yahay inuu go’aansan doonno qaab uu kusii joogo garoonka Camp Nou.

Abdihakim Olad

Read Previous

RASMI: Wolves Oo La Wareegtay Da’yarka Kooxda Barcelona Francisco Trincão

Read Next

Patrick Vierra Oo Noqday Tababaraha Kooxda Crystal Palace

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?