Kaddib Markii Uu Jawaab Ka Waayay PSG Iyo United , Ronaldo Wuxuu Juve Ka Codsaday Heshiis Cusub

Wakiilka Cristiano Ronaldo Jorge Mendes ayaa lagu soo waramayaa inuu u sheegay Juventus in kiliyentigiisa Burtuqiiska ah uu jeclaan lahaa inuu qandaraaska u kordhiyo kooxda Bianconerri.

Mustaqbalka 36 jirkaan ayaa ahaa mid si aad ah loo hadal hayay bilihii lasoo dhaafay, iyadoo wax ka yar sannad uu haatan uga harsan yahay qandaraaska uu kula jiro kooxda Juventus.

Sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport, Mendes ayaa soo jeediyay in hal sano oo qandaraas ah loo kordhiyo xiddiga uu wakiilka ka yahay, heshiis kooxda Juventus kusii heynaya ilaa 2023.

Wargeysku wuxuu sheegayaa in Ronaldo uu xodxodasho la yeelanayay Manchester United iyo PSG labadii bilood ee ugu dambeysay, laakiin labada koox midkoodna uma muuqdaan inay ku dhaqaaqayaan saxiixa xiddiga shanta jeer ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or maadaama uu jawaab cad ka waayay , siddaas darteedna wuxuu doorbiday inuu waayihiisa kasii ambaqaado kooxda Serie A-da.

Abdihakim Olad

Read Previous

Liverpool Oo ‘Aad U Xiiseeyneeysa’ Renato Sanches

Read Next

DEG-DEG: United Oo Heshiiska Shaqsiga Ah La Gaartay Varane

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?