DEG-DEG: United Oo Heshiiska Shaqsiga Ah La Gaartay Varane

Kooxda Manchester United ayaa heshiis shaqsiyeed la gaartay xiddiga kooxda Real Madrid ee Raphael Varane, laakiin arrinta ku saabsan lacagaha ku kacaya iibkiisa ayaa weli caqabad ku ah Red Devils, sida ay qortay Express.

Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay weydiisatay Manchester United adduun lacageed gaaraya 50 milyan oo ginni si ay u iibsato Varane, iyadoo kooxda reer Manchester ay diyaar la tahay adduun gaaraya 40 milyan oo ginni kaddib markii labada naadi ay wadahadalo billow ah yeesheen dhowaan.

Si kastaba ha noqotee, Los Blancos ayaan weli aqbalin qiimaha ay ku dooneeyso kooxda Manchester United xiddiga reer Faransa, taasoo hoos u dhigeysa dhaqaaq kasta oo macquul ah.

28 jirkan oo xulkiisa Faransiiska ku metalayay tartanka Qaramada Yurub oo ay ka hareen haatan ayaa 12 bilood uga hartay qandaraaskiisa magaalada Madrid Manchester United ayaana usoo bandhigeysa hoy wanaagsan iyo qandaraas cusub.

Abdihakim Olad

Read Previous

Kaddib Markii Uu Jawaab Ka Waayay PSG Iyo United , Ronaldo Wuxuu Juve Ka Codsaday Heshiis Cusub

Read Next

RASMI: Kooxda Marseille Oo La Wareegtay Xiddigii Kooxda Roma Cengiz Ünder

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?