Cesc Fabregas Oo Sheegay Inuu Tababare Noqonayo Marka Uu Cayaaraha Ka Fadhiisto

Cayaaryahankii hore ee kooxaha Arsenal, Barcelona iyo Chelsea Cesc Fabregas ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu tababare noqdo marka uu ka fariisto cayaarista kubbada-cagta.

Laacibka heerka caalami ee xulka Isbaanishka ayaa haatan ku raaxeeysanaya waqtiyadiisii ugu dambeeyay ee cayaaryahannimo ee kubbada-cagta waxaana xiddigan oo haatan u safta kooxda Monaco ee dalka Faransiiska uu shaaca ka qaadday inuu dhowaan cayaarista ka fariisanayo islamarkaana uu noqonayo tababare kubbada-cagta ah.

“Dadku waxay ii sheegaan inaan waalanahay kaddib shaqo dheer iyo cadaadis aad u badan, laga yaabee in tababarenimada xitaa ay leedahay cadaadis intaa ka badan.”

“waa wax aan jeclahay(tababarenimadda) , waxaan rabaa inaan billaabo. waan baranayaa haatan, aqrisanayaa, waxaana wax ka dhageysanayaa dad badan oo kala duwan kubbada-cagtana wax uun baad sii baraneysaa maalin weliba waana ku faraxsanahay.”

Fabregas ayaa qarka u saaran xilli ciyaareedkiisii 19aad ee xirfadlenimo tan iyo markii uu kulankiisii ugu horreeyay u saftay kooxda Arsenal isagoo 16 jir ah sannadkii 2003-dii.

Xiddiga reer Spain ayay maskaxdiisu ku jirtaa inuu tababare noqdo balse sida laga arki karo barahiisa bulshada wuxuu ku riyaaqaya inuu ku soo laabto tababarada xilli ciyaareed cusub, iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe uu si fudud usoo daabaco “isku diyaarinta xilli ciyaareedka” oo ay wehliyaan sawirrada isagoo isku diyaarinaya ololaha cusub ee 2021-2022 ee kooxdiisa Monaco.

Abdihakim Olad

Read Previous

Rio Ferdinand Oo Sharraxaad Ka Bixiyay Bandhigyada Maguire Ee Xulka Saddexda Libaax

Read Next

Barcelona Oo Aan Weli Ka Quusan Erling Haaland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?