Barcelona Oo U Sheegtay Umtiti & Pjanic Inay Bixi Karaan

Ciyaaryahanka khadka dhexe iyo daafaca dhexe, midkiiba wuxuu saftay 13 kulan oo La Liga ah xilli ciyaareedkii hore, door weynna kama cayaari doonaan xilli ciyaareedka soo socda madaamada laga yaabo inay albaabka garoonka Camp Nou ka baxaan.

Barcelona ayaa usoo bandhigtay cayaaryahannada Miralem Pjanic iyo Samuel Umtiti inay iska bixi karaan, sida ay ku waramayso shabakadda Goal, maadaama aysan ku habooneyn qorshaha macalin Ronald Koeman ee mustaqbalka.

Pjanic oo 31 jir ah ayaa xagaagii hore Barca kaga soo biiray kooxda Juventus heshiis ku kacaya 60 milyan laakiin waxa uu kusoo billowday keliya lix kamid ah 13 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkii hore.

Dhanka kale Umtiti ma uusan awoodin inuu boos joogto ah ka helo safka 1aad ee kooxda tan iyo markii uu ka yimid Lyon shan sano kahor marka laga soo tago xilliyo qaas ah, sidoo kale wuxuu ku koobnaa kaliya 13 kulan oo horyaalka ah ololihii 2020-21.

Abdihakim Olad

Read Previous

Real Iyo United Oo Isdhaafsanaya 2 Xiddig

Read Next

Liverpool Oo ‘Aad U Xiiseeyneeysa’ Renato Sanches

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?