Barcelona Oo Aan Weli Ka Quusan Erling Haaland

Weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund Erling Haaland ayaa weli ah bartilmaameedka koowaad ee kooxda Barcelona, sida laga soo xigtay Diario Sport.

Xiddiga aadka loo qiimeeyo ee kooxda Jarmalka ayaa lala xiriirinayaa kooxaha Barca, Real Madrid, Manchester City, Chelsea, Manchester United, Liverpool, Bayern Munich, Juventus iyo Paris Saint-Germain.

Kooxda Barcelona ayaa loo arkay inay ka quusatay saxiixa xiddigan kaddib markii ay si bilaash ah kula soo saxiixdeen weeraryahnkii kooxda Manchester City Sergio Aguero.

Inkasta oo ay jiraan dhibaatooyin dhaqaale oo haysta kooxda Barcelona iyo qaar kamid ah kooxaha kale ee saxiixa xiddigan ku tartamaya, Barca ayay weli ka go’an inay Haaland ku abaal mariso Camp Nou, inkastoo xiddiga Inter ee Lautaro Martinez iyo xiddiga Tottenham ee Harry Kane ay weli yihiin xulashooyinkooda suurtogalka ah si ay weerarkooda usii xoojiyaan.

Abdihakim Olad

Read Previous

Cesc Fabregas Oo Sheegay Inuu Tababare Noqonayo Marka Uu Cayaaraha Ka Fadhiisto

Read Next

Real Iyo United Oo Isdhaafsanaya 2 Xiddig

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?