Suuqa-Maanta: Pogba, Ramos,White, Kounde, Varane, Kane, Berardi, Brozovic, Millar

Suuqa kala-iibsiga cayaartooyda ee xagaaga wuxuu furmay 9kii bishii Juun ee aynu soo dhaafnay waxaana uu suuqa xirmi doonnaa 31ka bisha Ogoosto ee sannadkan 2021.

Ilaa haatan ma jiraan dhaqdhaqaaqyo waaweyn oo suuqa ka qabsoomay maadaama inta badan cayaartooyda waaweeyn ay ku mashquulsanyihiin tartamada heerka caalami oo ay xulalkooda metalayaan inkastoo ay jiraan kooxo sameestay dukaameeysi ay u baahnaayeen.

Halkan waxaan idinkugu soo gudbineynaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala-iibsiga cayaartooyda maanta oo inta suuqa ka haray aanu si maalinle ah idinkugu soo gudbin doonno haddii eebbe ka raali noqdo.

Heshiiska Arsenal ay kula wareegeeyso daafaca dhexe ee Brighton Ben White waa mid dhameystiran, waxaana la rajeynayaa inuu dhameystirmo wixii ka dambeeya Euro 2020, inkastoo ay xiiso u qabaan kooxaha Everton iyo Manchester City 23 jirkaan reer England. (Kubadda Cagta London)

Manchester United ayaa u gacan galisay Tottenham iyo Arsenal dhiirigalin ku aadan loolanka loogu jiro saxiixa daafaca Sevilla ee Jules Kounde iyaga oo qaboojiyay xiisaha ay u qabeen 22 jirkan Faransiiska ah isla markaana diiradda saaray Daafaca Real Madrid ee Raphael Varane, 28. (Dean Jones via Express)

AS ayaa warinaysa in United ay ka fiirsanayso inay soo bandhigaan 28 jirka khadka dhexe Paul Pogba oo ay qeyb uga dhigayaan heshiiska ay kula soo wareegayaan saaxiibkiis xulka Faransiiska Raphael Varane inkastoo wararkale ay sheegayaan in Juventus ay dooneeyso inay dib ulasoo saxiixato Paul Pogba.

Daaficii hore ee kooxda Real Madrid Sergio Ramos ayaa iska diiday dalab ay usoo gudbisay kooxda Manchester United waxa uu xiddigan wakiilka xorta ah wadahadallo kula jiraa kooxda Faransiiska ee Paris Saint-Germain, Arsenal ayaa dhowaan loolanka kusoo biirtay waxaana ay codsatay in lala socodsiiyo xaaladda iyadoo wakiiladdiisa u sheegtay inay dooneeyso inay wadahadallo la yeelato. (Goal)

Sassuolo ayaa rajeyneysa inay ceshato 26 jirka garabka ka ciyaara ee reer Talyaani Domenico Berardi, waa ciyaaryahan uu madaxa fulinta kooxda Giovanni Carnevali ku tilmaamay inuu yahay “astaan”, iyadoo ay xiiseynayaan kooxaha Liverpool iyo Tottenham. (Radio 24)

Tababaraha cusub ee kooxda Tottenham Nuno Espirito Santo ayaa doonaya inuu la kulmo Harry Kane, oo 27 jir ah, si uu ugala hadlo mustaqbalkiisa kooxda Spurs kahor inta uusan weeraryahankan lugaha la gelin fasaxa dabayaaqada tartanka Euro 2020 oo uu xulkiisa Ingiriiska metalayo. (ESPN)

Manchester United ayaa diyaar u ah inay bixiso 26 milyan oo ginni si ay u hesho xiddiga Inter Milan Marcelo Brozovic laakiin waxa ay tartan kala kulmi karaan Barcelona oo ku aaddan 28 jirkaan khadka dhexe ee reer Croatia. (La Repubblica, iyada oo loo marayo Star)

Weeraryahanka Liverpool ee 21 jirka reer Canada Liam Millar ayaa qarka u saaran inuu kooxda Basel ugu biiro heshiis ku kacaya 1.3 milyan oo ginni (Goal)

Abdihakim Olad

Read Previous

“Hala Ceyriyo…Sharaf-laawe” – Taageerayaasha City Oo Baraha Bulshada Ku Garaacay Tababaraha Biljimka

Read Next

Toos: Czech Rep. Vs Denmark | 8 Dhammaadka Euro 2020

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?