Ramos Oo Wadahadal Kula Jira PSG Xilli Arsenal Ay Loolanka Kusoo Biirtay

Daafacan aadka loo qiimeeyo ee xulkiisa Isbaanishka kula guuleystay Koobka Adduunka ayaa noqday wakiil xor ah kaddib markii uu xiriirka u jaray kooxda Los Blancos, laakiin weli ma jiro heshiis kale oo koox uu u saxiixay.

Sergio Ramos ayaa wadahadalo kula jira kooxda Paris Saint-Germain, laakiin warar dhowaan soo baxay ayaa sheegaya inuusan jirin wax heshiis ah oo ay labada dhinac wada gaareen.

Kooxda Arsenal ayaana dooneeysa inay si layaab leh PSG kaga dulqaato xiddigan, sida laga soo xigtay Goal Spain, Arsenal ayaa diiwaan galisay xiisaha ay u qabaan Sergio Ramos waxayna wakiiladiisa wax ka weydiiyeen xaaladda daafacan.

Chelsea iyo Manchester United ayaa sidoo kale lala xiriirinayay xiddigan balse ilaa haatan wax dhaqdhaqaaq ku aaddan xiisihiisa kama muuqdo.

Kabtankii hore ee kooxda Real Madrid oo da’diisu ay haatan tahay 35 sanno ayaa dareensan inuu weli ku ciyaari karo heerkiisa ugu sarreeya isagoo markan doonaya koox usoo bandhigta qandaraas 2 sanno ah kaddib markii aan uusoo dhammaaday waayihiisii garoonka Santiago Bernebeu.

Wixii kusoo kordha xaaladda xiddigan iyo kooxdiisa xigta, Garsoore.com ama bogga Facebook-ga ee Garsoore Sports kala soco insha allah.

Abdihakim Olad

Read Previous

Talyaaniga Oo Ciribtiray Biljimka Xilli Ay Isbaanishka Kula Balameen Semi-finalka

Read Next

De Bruyne Oo Sheegay In Isagoo Dhaawacan Uu Saftay Kulankii Talyaaniga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?