Paul Pogba Oo Dib Ugu Laabanaya Juventus

Tababaraha Juventus Massimiliano Allegri ayaa si cad ugu sheegay kooxda inuu doonayo inuu dib ula soo saxiixdo cayaaryahan Paul Pogba, kaasoo galay sannadkii ugu dambeeyay qandaraaskiisa Manchester United.

Pogba ayaa afar sano oo guulo ah ku qaatay Juventus horraantii waayihiisa ciyaareed kaddib markii uu ka soo tagay Old Trafford markii ugu horreysay, iyadoo uu kasoo hoos cayaarayay macalin Allegri waqtigiisii magaaladda Turin.

Xiddigan heerka caalami ee xulka Faransiiska ayaa qaab-cayaareed heer sarre ah kusoo bandhigay kooxda Bianconeri wuxuuna soo jiitay indhaha kooxdiisii hore ee United oo adduun lacageed gaaraya 89 milyan oo ginni kulasoo saxiixatay.

Kusoo laabashadiisa Old Trafford ma aysan u sahlin inuu helo heerkiisii ugu sarreeyay iyo bandhigyadii joogtada ahaa ee looga bartay waayihiisii Juve, waxaan si muuqata u aragnaa awood cayaateedkiisa cajiibka ah marka uu u safanayo xulkiisa Faransiiska tababare Allegri ayaana doonaya inuu dib usoo nooleeyo xirfad kooxeedkiisa isagoo haatan daneynaya inuu Pogba kusoo celiyo magaalada Turin.

Abdihakim Olad

Read Previous

FA-ga Soomaaliya Oo Magacaabay Isku-duwaha Qaranka Iyo Ku-xigeenkiisa

Read Next

Marseille Oo Heshiis La Gaartay Lopez Iyo Ünder

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?