“Hala Ceyriyo…Sharaf-laawe” – Taageerayaasha City Oo Baraha Bulshada Ku Garaacay Tababaraha Biljimka

Taageerayaasha Manchester City ayaa ku dhaleeceeyay Roberto Martinez inuu ciyaarsiiya cayaaryahanka kooxda Kevin De Bruyne oo dhaawac ah 90kii daqiiqo ee kulankii xulka Biljimka uu guuldarrada kasoo gaaray xulka Talyaaniga.

Kubbad-sameeyaha kooxda Manchester City Kevin De Bruyne ayaa sheegay inuu dhaawacnaa kulankii Talyaaniga balse uu si kastaba usoo galay si uu ugu dagaalamo qarankiisa balse taageerayaasha ayaa iyagana ku eedeeynaya inuu tababare Roberto Martinez cayaarsiiyay xiddigan oo dhaawac ah.

Fal-celinnada Taageerayaasha City Ee Baraha Bulshada

“Wuxuu u baahanyahay in la ceyriyo… wuxuu cayaarsiiyay Debruyne isagoo dhaawac halis ah qaba xalay,… Sharaf-laaawe… Biljimka siddan oo kale ayay ku sameeyeen Kompany sannado kahor…”

Taageere kale ayaa yiri ” Wauw, @DeBruyneKev wuxuu ku cayaaray canqow jeexjeexan, wuxuuna wax walb u huray Biljimka 90ka daqiiqo oo dhan. Waad ku mahadsantahay Kevin inaad dhammaan (awoodaada) nasiiso, inkastoo aad dhaawacneyd! “

Taageerahan isna wuxuu yiri ” Waan ogaa inaan sabab wanaagsan u necbaa Martinez.”

Abdihakim Olad

Read Previous

Real Sociedad Oo Isku Dayday Inay Arsenal Ka Dulqaado Xiddiga Ay La Heshiiyeen

Read Next

Suuqa-Maanta: Pogba, Ramos,White, Kounde, Varane, Kane, Berardi, Brozovic, Millar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?