FA-ga Soomaaliya Oo Magacaabay Isku-duwaha Qaranka Iyo Ku-xigeenkiisa

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbada cagta ayaa magacaabay isku duwaha xulka qaranka Soomaaliya iyo ku xigeenkiisa, si loo dardar geliyo howlaha baaxada leh ee qaranka.


Jamaal Xaashi Tuurre ayaa loo magacaabay in uu noqdo isku duwaha xulka qaranka Soomaaliya qeybihiisa kala duwan, halka Axmed Cabdiraxmaan Cali isna loo magacaabay ku xigeenkiisa.

Magacaabistan ayaa dhaqan gashay isla maanta oo kaddib markii lagu faafiyay baraha rasmiga ah ee xiriirka kubbada cagta Soomaaliya ee Internetka. Masuuliyiinta la magacaabay ayaa shaqadooda ugu horreysa isla maantaba ka bilaabay diyaar garowga xulka qaranka 17 sano jirada oo ka qeyb galaya cayaaraha da’ yarta Carabta oo 29-ka July ka furmi doona dalka Morooco insha Allah.

Abdihakim Olad

Read Previous

Cayaartoyda Qaranka oo cabasho ka dhan ah Xiriirka u qoray FIFA

Read Next

Paul Pogba Oo Dib Ugu Laabanaya Juventus

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?