Rice Oo Diiday Inuu Heshiiska U Kordhiyo Kooxdiisa Iyo Chelsea & United Oo Ku Baraarugay

Declan Rice ayaa diiday laba dalab oo heshiis kordhin ah oo uu ka helay kooxdiisa West Ham United isagoo markanna baraarug geliyay kooxihii xiiseeynayay saxiixiisa ee Chelsea iyo Man United.

West Hama ayaa markale isku deyi doonta inay xiddigooda usoo bandhigaan heshiis cusub si uu ugusii jiro diiwaankooda laakiin xiddigan heerka caalami ee xulka Ingiriiska ayaa waxa uu dookhyadiisa ka dhigayaa mid furan inta uu socdo suuqa kala-iibsiga xagaaga.

Xilli uu iska diiday heshiis kordhin, waxaa sidoo kale dheer in bandhigyadii Rice ee kooxda macalin Gareth Southgate ee Ingiriiska ay mar labaad gelisay daaqada kala-iibsiga wuxuuna codsaday inuu lagu wargaliyo xiriir kasta oo u dhexeeya West Ham iyo kooxaha xiiseynaya.

Chelsea ayaa in muddo ah u aqoonsaneyd Rice inuu yahay bartilmaameed weyn, laakiin waxay u aragtay inuu aad qaali u ahaa suuqii xagaagii hore, iyadoo tababarihii hore Frank Lampard uu aad ula dhacsanaa xiddigan balse markale tababare Thomas Tuchel ayaa xiisahaa soo cusbooneeysiiyo oo markan doonaya inuu safkiisa kuso biiriyo.

Dhanka kale Manchester United ayaa ka fiirsaneysa inay u dhaqaaqdo khadka dhexe oo cusub, iyadoo macalinkeeda Ole Gunnar Solskjaer uu isha ku hayo dhowr saxiix si uu kooxda u gaadhsiiyo heerka xiga.

22 jirkaan ayaa loo maleynayaa inuu ka mid yahay ciyaartoyda ay tixgelinayaan madaxda kala duwan ee Old Trafford iyo Stamford Bridge inkastoo qiimaha lagu heli karo ay dhibaato ku noqon karto labada kooxba balse waynu arki doonnaa haddii midkood uu ku guuleeysto, koox kale ay kusoo biirto tartanka amaba uu heshiis cusub u saxeexo kooxdiisa West Ham.

Abdihakim Olad

Read Previous

Arsenal Oo Dalab Ka Gudbisay Locatelli

Read Next

Toni Kroos Oo Ku Dhawaaqay Inuu Ka Fadhiistay U Cayaarista Jarmalka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?