Rasmi: Tottenham Oo Magacaawday Macalinkeeda Cusub

Baadigoobkii dheeraa ee ay kooxda Tottenham ugu jirtay inay hesho tababare cusub ayaa dhammaaday, kaddib markii ay ku dhawaaqeen magacaabista Nuno Espirito Santo.

Nuno, oo ka tagay Wolves dhammaadkii xilli ciyaareedkii 2020-21, ayaa beddel u noqonaya Jose Mourinho oo shaqada laga ceyriyay ku dhowaad 2 billood iyo bar kahor. Spurs ayaa rasmi ahaan muddo 72 maalmood ahayd tababare la’aan ah kaddib markii ay ceyrisay macalinkoodii reer Burutusii kahor finalkii Carabao Cup.

Tottenham intaas kaddib waxaa lala xiriiriyay, oo diidmo ay ka heshay dhowr musharax kahor inta aysan xaqiijin Nuno fiidnimadii Arbacadda.

Abdihakim Olad

Read Previous

Xhaka Oo Soo Jiitay Indhaha Juve Oo Haatan Saxiixiisa Kula Loolameysa Kooxda Roma

Read Next

KHARKA U SAARAN: PSG Oo 24 Saac Gudaheed Kula Wareegeeysa Hakimi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?